Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan afur sharaf ah ku maamuusay Guddoomiyaha cusub ee Ururka Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, iyo wafdi sare oo uu hoggaaminayo, kuwaas oo booqasho rasmi ah ku jooga magaalada Muqdisho.
Munaasabaddan oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), Guddoomiyaha Aqalka Sare, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, iyo diblumaasiyiin ka socday dalalka Afrika ee fadhigoodu yahay Muqdisho.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo hadal ka jeediyay xafladda, ayaa uga mahadceliyay Guddoomiyaha Midowga Afrika booqashadiisa, isagoo xusay xiriirka qotoda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika. Wuxuu carrabka ku adkeeyay doorka muhiimka ah ee Soomaaliya ay ku lahayd guusha iyo horumarka Midowga Afrika, gaar ahaan xilliyadii ugu dambeeyay.
“Soomaaliya waa dal door weyn ku leh Midowga Afrika, waxayna si firfircoon uga qeyb qaadatay dadaallada lagu xoojinayo midnimada iyo iskaashiga dalalka Qaaradda,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Dhinaca kale, Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, oo dhawaan xilkan loo doortay, ayaa Soomaaliya ka dhigtay dalkii ugu horreeyay ee uu booqdo tan iyo markii uu xafiiska la wareegay.
Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa xusay in Midowga Afrika ay sii xoojin doonaan taageerada ay u hayaan Soomaaliya, isagoo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay booqashadiisa ugu horreysay ee uu ku tago Muqdisho.
“Midowga Afrika wuxuu mar walba garab taagan yahay Soomaaliya, waana dal taariikh weyn ku leh Qaaradda. Waxaan ka shaqeyn doonnaa in aan xoojino iskaashiga iyo taageerada aan siino Soomaaliya,” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Afrika.
Kulankan afurka ah ayaa lagu tilmaamay mid muujinaya xiriirka dhow ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Afrika, gaar ahaan xilligan uu dalku ku jiro dadaallada dib-u-dhiska iyo horumarinta nabadda.
Waxaa la filayaa in inta uu joogayo Soomaaliya, Guddoomiyaha Midowga Afrika uu la kulmo madaxda sare ee dalka, islamarkaana uu booqdo xarumaha muhiimka ah ee hay’adaha dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee ka howlgala gudaha Soomaaliya.