Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh ayaa khudbad taariikhi ah ka jeediyey Shir-madaxeedka Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika (EAC), isaga oo bogaadiyey iskaashiga iyo horumarka la gaaray tan iyo markii la Aas-aasay (EAC).
Shirkan oo ah kii ugu horreeyey oo ay Soomaaliya ka qeygbasho iyadoo xubin buuxda ah ayay ka mid noqotay hoggaanka EAC ee sanadka soo socda iyadoo dalka Kenya loo doortay guddoonka halka Soomaaliya ay noqotay Xogheynta Guud.
Madaxweynaha ayaa ballanqaaday in Soomaaliya ay la jaanqaadi doonto hiigsiga 2050 ee himilooyinka iskaashiga dhaqaale ee Bulshooyinka Bariga Afrika. Wuxuu sidoo kale adkeeyay inay Soomaaliya diyaar u tahay inay dowr firfircoon ka ciyaarto howlaha horyaala EAC ee horumarinta, dhaqan-dhaqaale, ganacsi iyo isdhexgalka bulsho.
Dowladaha xubnaha ka ah EAC waxyaabaha ay sanadkan uga hadleen shir madaxeedka waxaa kaloo ka mid ahaa addeegsiya Teknoolajiyada, canshuuraha, amniga, iyo xubnaha Maxkamadda EAC.
Soomaaliya ayaa horaantii sanadkan noqotay dalkii 8-aad ee ku biira Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika.
Dhinaca kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Maxamuud ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Madaxweynaha dalka Tanzania marwo Samia Suluhu, waxa ayna labada Madaxweyne ka hadleen xoojinta xiriirka labada dal.