Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadka Soomaaliyeed u diray farriin ku saabsan Cunaqabateynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa ka hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladda in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.
“Dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan ugu bishaareeyo sanadka 32-aad in aysan cunaqabateyn hubkanina saarneen, maanta dadka Soomaaliyeed waxa aan rabaa in aan u sheego dalka Soomaaliya dhammaan cunaqabateynta hubka waa laga qaaday,†sida uu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda.
Sidoo kale Madaxweynaha oo hadalka sii wata ayaa ku sii daray, “Dalkeena maanta waxa uu xor u yahay intii awoodeenu ay la’egtahay hubkii aan rabno in aan soo iibsanno, oo caalamka aan ka soo iibsanno.â€
Madaxweynaha oo ka hadlay fursadaha ay Soomaaliya haysato ayaa yiri, “Waxaa maanta fursad u haysannaa dalalka na kaalmeenaya ee saaxiibada nala ah ee walaalaha ah, hubkasta oo aan waydiisanno in ay na siin karaan.â€
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyn sheegay in dowladda ay ku ad-adkaandoonta xakameynta hubka iyo khulkhulka hubka, isaga oo xusay in dowladda ay u dajisau shuruuc.
Fadhi ay yeesheen Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa Soomaaliya looga qaaday cunaqabateynta hubka oo saarneed tan iyo 1992-dii. Tallaabadaan ayaa sheegay in ay Soomaaliya u abuuri doonta waddo cusub.