Madaxweyne kuxigeenka Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo isugu jiray Wasiirka Caafimadka Jubaland Maxamed Oogle, Wasiir Howlaha Guud iyo Guryeenta Injineer Ismaciil Axmed Garas iyo Gudoomiyaha Degmada Kismaayo ayaa gaaray jiida hore ee ay ciidamada Jubaland iyo kuwa xoogga dalka Soomaaliya ay kaga suganyihiin deegaanka Janaa cabdalla ee Gobolka Jubada Hoose,
Mas’uuliyiinta uu horkacayey Madaxweyne kuxigeenka Jubaland ayaa la kulmay dadka deegaanka Janaa Cabdalla waxa ayna ka wareesteen xaaladda Deegaanka iyo joogitaanka Ciidamada, dadkii joogay Janaa Cabdalle ayaana ka mahad sheegtay Ciidamada oo si wanaagsan ula dhaqmay inta ay joogeen deegaankan, iyagoo ka codsaday mas’uuliyiinta Maamulka in baahiyaha deegaanka ay Dowlada daboosho.
Deegaankan Jana Cabdalle ee laga saaray gacanta Al-shabaab, wuxuu min 60km u jiraa Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow, isagoo sidoo kale ahaa halbowlaha isku socodka kooxda ee Gobolada Jubaland iyo Wadanka Kenya.
Wafdiga ayaa u kuurgalay xaaladda Ciidamada oo nabadeeyey deegaanada ay gacanta ku hayaan, waxa Wasaaradda Caafimadka ay halkaa geysay daawooyin kale duwan oo loogu tala galay Ciidamada iyo dadka deegaan.