Khilaaf siyaasadeed ayaa weli u dhexeeya Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid, kaasi oo maalmo kahor soo shaac baxay, kadib markii ay soo kala saareen amaro iska soo horjeeda.
Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Ciid oo shalay ka hadlaayay magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa khilaafka kala dhexeeya Axmed Qoorqoor weji kale u yeelay, isagoo is babar dhigay arrinta Caabudwaaq iyo tan Laascaanood.
Waxa uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Cali Ciid in si isugu egyihiin arrinta ka taagan Caabudwaaq iyo tii kacdoon ka dhacday magaalada Laascaanood, waxa maamulka uu katirsan yahay ee Galmudug xaqirtay Caabudwaaq oo canshuurta dadkeeda laga qaado aan lagu celin.
“Kacdoonka maanta ka jiraa Caabudwaaq wuxuu u egyahay midkii Laascaanood ka dilaacay waxaa la rabaa inaad isku tashataan. Waxaan idin xaqiijinayaa degmooyin badan oo ka tirsan Galmudug oo degmadan ay ugu horreyso inay xaqiran tahay inay wixii ay xaqa u lahayd helin†ayuu yiri Cali Daahir Ciid.
Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Galmudug Cali Daahir Ciid oo hadalkiisa sii wata ayaa ugu baaqay shacabka Caabudwaaq inay iyagu tashadaan, isla markaana wax ka qabtaan xaaladaha ka jira magaaladaasi.
Si kastaba khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa oo qarsoonaa ayaa soo bannaan baxay, kaddib markii Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Cali Ciid uu shaqada ka joojiyay Wasiirka arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Waayeel, balse waxaa xil ka qaadistaasi kahor yimid madaxweyne Qoorqoor.