Mucaaradka siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay hoggaaminayaan madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, iyo xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa si cad uga hor yimid muddo kororsi la sheegay in ay Villa Soomaaliya qorsheyneyso. Madaxdan mucaaradka ah ayaa ku baaqay in marnaba aan la aqbali doonin muddo kororsi kasta oo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo heshiisyada doorashooyinka. Waxay si gaar ah farta ugu fiiqeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka shaqeynayo arrimo u gaar ah, oo ka fog danaha guud ee dalka iyo dib u heshiisiinta siyaasadeed ee qaranka.
Xubnahan mucaaradka ah ayaa sidoo kale si weyn u bogaadiyey tallaabada uu qaaday madaxweynaha Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), kaas oo diiday muddo kororsi ay Villa Soomaaliya miiska soo saartay, isla markaana si cad uga soo horjeestay qorshayaashaas. Axmed Madoobe ayaa go’aansaday inuu isaga baxo shirkii Wadatashiga Qaran ee ka socday Muqdisho, wuxuuna dib ugu laabtay Kismaayo, isagoo muujinaya mowqif adag oo ka dhan ah muddo kororsiga.
Sidoo kale, madaxda mucaaradka ayaa ugu baaqay madaxda kale ee dowlad-goboleedyada, gaar ahaan Puntland, inay la safan yihiin Axmed Madoobe oo ay si isku mid ah uga hortagaan muddo kororsi kasta oo lagu dadaalayo in la meelmariyo. Madaxweyne Deni oo ka maqnaa shirkii Wadatashiga Qaran ayaa horay u diiday inuu ka qeyb galo, isaga oo aan kalsooni ku qabin qaabka wadahadallada loo wajahayo.
Khilaafkaan ayaa sii xoogeystay kadib markii shirkii Golaha Wadatashiga Qaran uu fashil kusoo dhammaaday, waxaana warar soo baxaya ay muujinayaan in sababta ugu weyn ee fashilka uu ahaa diidmada Axmed Madoobe oo si cad uga hor yimid ajandayaasha Villa Soomaaliya. Fashilka shirkan ayaa cirka ku sii shareeray kala qeybsanaanta siyaasadeed ee dalka, iyada oo la filayo in xaaladdan ay saamayn ku yeelato hanaanka doorashooyinka soo socda.
Mucaaradka ayaa ugu dambeyn sheegay in aysan marnaba oggolaan doonin in la sameeyo muddo kororsi aan sharci ahayn, iyagoo ku adkeysanaya in xalinta khilaafaadka dalka ay ku xirnaan doonto in laga fogaado talaabooyin dhaawacaya nidaamka dimuqraadiyadda iyo sharciyadda doorashooyinka. Wada shaqeynta dhexmarta dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada ayaa hadda u muuqata mid sii xumaaneysa, taas oo abuuri karta jahwareer siyaasadeed oo weyn oo saameyn ku yeelan kara xasiloonida dalka.