Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay shirka maalmihii lasoo dhaafay Muqdisho uga socday madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada, kaasi oo xalay lagu soo gaba-gabeeyay Madaxtooyada.
Madaxweyne Deni oo ka hadlaayay shir ka dhacay Garoowe ayaa waxa uu sheegay in aysan Puntland khuseynin go’aanada ay gaaran Golaha Wadatashiga Qaran, isla markaana aan Soomaaliya lagu maamuli karin go’aano aan waaqaci aheyn oo layska gaaro, kuwaasi oo ay go’aamiyaan shaqsiyaad dano siyaasadeed kaleh.
Wuxuu intaasi kusii daray Madaxweynaha Puntland in Soomaaliya ay u baahan tahay feejignaan, iyadoo xaalka lala akhrinayo daruufaha ka taagan Hareeraheeda, gaar ahaana isbedelada gobalka, Badda Cas iyo Isbedelada waa weyn ee siyaasada dunida kasocda.
Isaga oo sii hadlaayay Saciid Cabdullaahi Deni ayuu tilmaamay in Puntland ay qaadatay siyaasada ah, in ay Midnimadeeda gudaha adkayso, ilaaliso kana shaqeyso sidii ay u heli lahayd isku filnaansho dhameystiran, ilaa inta ay Soomaalidu miyirqab iskugu imaanayso.
Si kastaba, hadalka Madaxweyne Deni ayaa waxa uu kusoo aadayaa, iyada oo xalay Madaxtootada dalka kusoo Idlaaday Shirkii Golaha Wadatashiga oo looga hadlay xaalada dalka, arrimaha siyaasadda, howlgalada ka dhan ah Al-Shabaab iyo dhameystirka Dastuurka.