Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka ku dhaqan caasimadda Hargeysa kala qaybgalay tukashada salaadda Ciidal Adxaha oo maanta laga oogay guud ahaanba dunida Islaamka.
Madaxweynaha oo ay wehelinayaan xubno kamid ah Golaha wasiirrada, taliyeyaal ciidan iyo siyaasiyiin kale, ayaa shacabka kula tukaday masjid Jaamaca weyn ee Hargeysa, halkaas oo ay soo buux-dhaafiyeen kumanaan shacab ah.
Madaxweyne Muuse Biixi ayaa shacabka u jeediyey khudbad uu diiradda ku saaray muhiimadda iskaashiga iyo wada-jirka iyo sidii ay ugu dedaali lahaayeen inay gacmahooda wax kula soo baxaan.
Sidoo kale, Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu ka hadlay carqalad uu sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ku sameeysay dadkii reer Somaliland ee sannadkan xajka tegi lahaa.
Madaxweyne Biixi ayaa waxaa uu dawladda Sucuudiga u diray farriin cad oo la xiriirta in Somaliland loo madax bannaaneeyo arrimaha la xiriira xujaydeeda, siyaasadda laga daayo cibaadada.
Maamulka Somaliland ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay siyaasadeysay qeybsiga xujeyda sanadkaan, isla markaana dowladda ay caqabad ku noqtay dadkii reer Somaliland ee sannadkan xajka tegi lahaa, in kastoo dowladda ay beenisay arrintaas.
Sannadkan xujeydii Somaliland ka bixi lahayd ayaa ka baxay Magaalooyinka Garowe iyo Jigjiga, kadib markii Somaliland ay diiday inay wax xujey ah ay ka baxaan deegannadeeda, iyagoo u sababaynaya tabashadooda.