Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu rumeysan yahay in madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin uu go’aansaday in uu weerar ku qaado dalka Ukraine.
Wuxuu intaa ku daray in weerarka uu dhici karo maalmaha nagu soo aadan. Biden wuxuu sheegay in qiimeynta lagu saleeyay sirdoonka Mareykanka oo soo jeediyay in magaalada caasimadda ah ee Kiev uu Ruushka la beegsanayo.
Ruushka ayaa marar badan beeniyay in uu damacsanyahay in uu weeraro dalka ay deriska yihiin ee Ukraine.
Waddamada Reer Galbeedka ayaa ka cabsi qabaa in Ruushka uu isku dayo in uu rabshado qalalaaso been abuur ah uu ka huriyo gobollada dhaca bariga Ukraine si uu marmarsiinyo uga dhigto duullaanka.
Maraykanku waxa uu ku qiyaasay in 169,000-190,000 oo Ruush ah inay ku sugan yihiin gudaha iyo agagaarka Ukraine, tiradaas oo ay ku jiraan dagaalyahannada uu Ruushku taageero ee ku sugan jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taageeda ee Donetsk iyo Luhansk ee bariga Ukraine.