Gudaha iyo dibadda Mareykanka ayaa si weyn looga hadal hayaa go’aankii madaxweynaha Mareykanka Joe Biden uu kaga haray tartanka doorashada oo wakhti yar ka harsanyahay.
Madaxweyne Biden oo muddo cadaadis uu saarnaa ayaa sheegay in tallaabadaan ay tahay mid uu ugu daneynayo xisbigiisa dimuquraadiga iyo dalkiisa.
Mr Biden ayaa go’aankaan shaaciyay xilli laga deyrinayay xaaladdiisa caafimaad, maadaama uu da’ yahay isla markaana dhawaan la shaaciyay in sidoo kale uu ku dhacay Covid-19.
Biden ayaa taageeray Kamala Harris oo u ah hadda ku xigeen in ay booskiisa gasho una tartanto xilka madaxweynaha hase-yeeshee arrintaa weli ma ahan mid xubnaha xisbigu isku raaceen.
Shacabka Mareykanka ayaa qaarna taageeray go’aanka Biden uu tartanka uga haray, halka qaarna ay u arkaan in uu hadalkaan ku dhawaaqay xilli xeero iyo fandhaal kala dhaceen, maadaama tallaabadan ay timid iyadoo muddo kooban oo saddex bilood ah ay naga xigto wakhtiga doorashadu ku dhacayso.