Musharaxa xisbiga saddexaad Muharrem Ince ayaa Khamiistii isaga haray doorashada aadka la isugu dhow yahay ee Madaxweynaha Turkey, taasi oo ah tallaabo lama filaan ah oo sare u qaadeysa fursadda ay mucaaradka ku guuelysan karaan wareegga koowaad.
Ince, oo 59 jir ah, ayaa go’aankiisa ku dhowaaqay kadib markii lagu beegsaday olole online-ka ah oo ay ku jireen sawirro la been abuuray oo muujinaya isaga oo la kulmaya haween islamarkaana ku socda gawaari qaali ah.
Musharraxan calmaaniga ah ayaa helay 30.6 boqolkiiba codadka markii uu madaxweyne Erdogan kula loolamay doorashadii 2018. Ince ayaa waxa uu weerar xooggan kala kulmay mucaaradka sababo la xiriira inuu ku biiray ololaha doorashada laba bil kahor cod-bixinta.
Go’aanka Ince ayaa u muuqday inuu mid lama filaan ah ku noqday madaxweyne Erdogan oo 69 jir ah.
Rajada madaxweyne Erdogan ayaa waxaa caqabad ku noqday xasaradihii dhaqaale ee ugu xumaa ee Turkey asiiba tan iyo sagaashamaadkii iyo dhul-gariirkii ku dhuftay dalkaas bishii Febraayo, oo ay ku dhinteen in ka badan 50,000 oo qof.