Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlat qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee barqadii Maanta ka dhacay Barta laga ilaaliyo Madaxtooyada ee Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho.
Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa uu tacsi tiiraanyo leh ugu diray dhammaan qoysaskoodii ay dadka uga geeriyoodeen qaraxii xooganaa ee Maanta dhacay, isagoona Caafimaad u rajeeyay kuwa dhaawacmay oo Isbitaalada la dhigay.
Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta ayaa dadka dhintay Alle uga baryay inuu u naxariisto, wuxuuna ku baaqay in la iska kaashado dagaalanka wax loogu yeero argaxisada oo uu sheegay inay dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed.
“Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho. Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo†ayuu yiri RW Rooble.
Ugu yaraan 8 ruux oo isugu jiray Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeriyooday, halka 9 kalena waxaa ay ku dhaawacmeen qaraxii Is-miidaaminta ahaa, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Booliska dowladda.
Al-shabaab warar ay ku qoreen barahooda Internet-ka ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee ka dhacay Isgoyska Ceel-gaabta ee Magaalada Muqdisho, iyagoona tilmaamay inay la beegsadeen Gaadiid ay la socdeen Mas’uuliyiin ku socotay Xarunta Madaxtooyada.