Wariyayaal jooga shirka Brussels ayaa soo sheegaya in maanta safiirka Soomaaliya ee Midawga Yurub uu soo dhaweeyey Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ee Ucid uuna dajiyey hotelka ay daganyihiin wufuuda Soomaaliya ee shirka u jooga Brussels
Brussels ayaa waxaa ka furmaya shir ay joogaan madaxda dawladda Soomaaliya ee uu ugu horeeyo  Madaxweynaha DFS  farmaajo iyo kuwa Mamul-goboleedyadda si ay uga qeyb galaan Shirwweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo Beussels.
Kulankaasi  Caalamiga oo socon doona muddo 2 maalmin ah waxaa kaloo ka qeyb geli doonaan Hoggaamiyayaal ka kala socda Dowladaha taageeraadda siiya Somalia iyo Hay’addaha Samafalka ee Caalamiga iyo Ururadda Jaamacadda Carabta, Midowga Europe, Midowga Afrika, Hawlgalka AMISOM iyo Diplomaasiyiin kale.
FeysaWaraabe ayaa ilo ku dhaw dhaw safaarada u sheegeen Dalsan inuu ka mid yahay martida shirka ku casuuman ee rasmiga ah isaga iyo xubno ururada bulshada rayidka Somaliland ah .
Kulanka Brussels  waxaa looga hadli doonaa Xaalladaha Ammaanka, Horumarka, Geeddi-socodka Hawlgalka AMISOM iyo Doorashadda Madaxtinimdda ee Somalia ka dhici doonta sannadka 2020-ka iyadoo aysan Somaliland si rasmi ah qeyb uga aheyn ayaa waxaa ay u muuqataa in lagu casuumo magaca Somaliland oo wali Soomaaliya qeyb ka ah
Ilo-wareedyo ayaa waxay sheegayaan inay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda si wadajir ah shirkaasi ugu soo bandhigi doonaa Qorshe dhinaac Ammaanka Somalia iyo Dib-u-dhiska Ciiddanka Qaranka, waxayna Beesha Caalamka ka codsan doonaan Malaayiin Dollar oo dib loogu dhisayo Ciiddanka Qaranka, si ay Hawlgalak AMISOM ugala wareegaan Hawlaha sugudda Ammaanka iyo Deganaanshaha guud ahaan Somalia.
Shirka Brussels waxa uu sii ambaqaadi doonaa tallaabooyinka cusub ee lagu taageerayo Ammaanka, Horumarka iyo Deganaanshaha Somalia.
Dhinaca kale, Bishii May ee la soo dhaafay, Shirweyne ka dhacay magaalldda Brussels waxay Dowladaha Midowga Europe  ballan qaadeen 100 million oo Euro oo lagu taageerayo DFS.
Si kastaba ha ahaatee, Shirweynaha Caalamiga ee berrito ka furmayo magaalladad Brussels waxaa lagu lafaguri doonaa Natiijooyinkii ka soo baxay Kulankii ugu dambeeyey ee Golaha Amniga Qraanka ay dhawaan ku yeesheen magaalladda Baydhabo, inkastoo ay DFS iyo Maamul-gobaleedyadda ku kala aragti duwan yihiin Mideynta Ciiddanka Qaranka.
Wali ma jiro war rasmi ah oo Somaliland laga helay ee ku aadan googitaanka Feysal Waraabe ee Brussels.