Madaxweynihii hore ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ‘ayaa shacabka iyo maamulka Puntland ku ammaanay hirgelinta doorashada goleyaasha deegaanka’ sida uu ku sheegay bayaan uu soo saaray.
“Hannaankan doorashada tooska ah inay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan inay hoggaankooda kusoo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecelnahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.” ayuu Farmaajo ku yiri bayaan uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.
Doorashada goleyaasha deegaanka Puntland oo ay ka dhalatay xiisad siyaasadeed ayaa la filayaa inay dhacdo berri oo Khamiis ah.
Waxaana xusid mudan in Ciidamada taabacsan mucaaridka diiddan doorashada qof iyo cod oo waayadanba ku sugnaa duleedka caasimadda ayaa weeraray qaar kamid ah gaadiid sidey sanaadiiqda cod-bixinta ee degmooyinka gobolka Nugaal.
“Annaga oo ah ciidanka Kamaandowska Danab, waxa aan shacabka u sheegeynaa in aanay dhici karin doorasho aan heshiis lagu ahayn oo damaceedu yahay muddo kororsi, doorasho aan heshiis lagu ahayn waddan kama dhici karto.†-Ayuu yidhi Af-hayeenka ciidanka u hadlay.