Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta ka qeyb galay xaflada xil-wareejinta Ra’iisul wasaaraha cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamse Cabdi Barre oo uu xilka kala wareegaayey Ra’iisul wasaarihii hore ee JFS mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Xaflada xil-wareejinta Ra’iisul wasaaraha cusub oo ay goobjoog ahaayeen mas’uuliyiinta kala duwan ee dowladda iyo xildhibaanadda labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Sheekh Aadan Madoobe oo khudbad ka jeediyey munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa uu sheegay in waxyaabaha hortabinta u leh Dalka ay ugu horeeyaan sugidda Amniga iyo wax ka qabashada abaaraha.