Wiil Somali oo 25-sano jir ah oo ku noolaa jasiirada Malta, ayaa waxaa lagu xukumay lix bilood oo xarig ah, ka dib markii maxkamad ay shegatay in ay ku heshay danbi ah in uu weray sarkaal boolis ah, kuwaas oo muwadinka somalida ah ka dalbaday in uu codkiisa hoos uu udhigo.
Magistrate Doreen Clarke ayaa shegay in Hussen Abdi Rahman Hassan loo arkayay inuu sarkhaansanaa oo uu ku lug lahaa iskahorimaad ka dhacay degaanka Marsa 13 December 2014 , markii uu nin bilays ah uu weyddiistay dad goobtaasi joogay in ay codkooda hoos udhigaan .
Sidoo kale muwaadinka somalida ah ayaa lagu eedeyay in uu hogaamiyay koox dooneysay in ay werar ku qaadaan xaruumo police oo dalkaasi ku yaalay.
Eedeymaha noocaan oo kale ah ayaaney ku cusbooneen jasiirada Malta, sida uu qorayo wargeyska Malta Today.
Sanadkii hore ayaa waxaa sidan oo kale xukuno loogu riday shaqsiyaad ay Somali ku jirto oo la shegay in ay sarqaansanaayen kuwaadoo ku qamaayay xaruumo police.