Hadal-qoraal oo ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibedda ee dalkaasi ayaa looga digay dadka Maraykanka inay u safraan dalka Urdun, kadib, weeraradii dhawaan ka dhacay Degmadda Karaak ee Koonfurta dalkaasi oo lagu dilay Tobaneeyo qof.
Qoraalka ayaa lagu sheegay inay Kooxaha Xag-jirka beegsan karaan dadka Maraykanka iyo kuwa Reer Galbeedka ee booqanayo dalkaasi
Dhinaca kale, Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay ka digeen inay dadka Maraykanka u socdaalaan dalka Masar oo ay ka dhaceen dhowr qarax bishan oo keliya, laguna dilay ugu yaraan 25 qof oo ku sugnaa Kaniisad ku taalla Qaahira.
Waaxda Arrimaha Dibedda Maraykanka waxay kaloo dadka Maraykanka uga digtay inaysan u socdaalin Galbeedka Lama-degaanka iyo Gacan-biyoodka Siinaay ee duleedka Xeebta loo dalxsii tago ee Sharma Al-sheekh.
©Radio Dalsan