3 Muwaadiniin Soomaali ah oo aan haysan wax dukumenti ah ayaa lagu qabtay dalka Zambia maalintii Talaadada ee la soo dhaafay (Feb. 28).
Warbaahinta dalkaasi ayaa waxaa ay shalay oo Arbaco ahayd qoreen in Raggaasi ay qabteen Saraakiil ka tirsan Xafiiska Hay’adda socdaalka ee degmada Isoka ee Gobalka Muchinga ee dalkaasi, una dhow Xuduudka ay Zambia la wadaagto dalalka Tanzania iyo Malawi.
Ragga Soomaalida waxaa lala qabtay Muwaadin Ethiopian iyo Dareewal Zambian 43 jir ah.
Ciidanka waaxda Socdaalka Zambia ee joogta Barta Kontorool Mwaiseni Checkpoint ayaa qabtay Shanta qof, kadib, markii si hoose loogu sheegay in labo Soomaali ah iyo Nin Ethiopian ah lagu soo dhex qariyey Gaari Volvo ah oo Shixnad Alwaax waday, kana diiwaan gashan dalka Zambia.
Baaritaan Guud oo lagu sameeyey Gaarigaasi isjiidka ahaa ayaa laga soo dhex qabtay Ragga Soomaalida iyo Ninka Ethiopianka, waxaana iyaga iyo Dareewalkii lagu xiray Saldhiga Boliska ee Isoka Police Station ee dalkaasi.
Toddobaadkii hore ayaa waxaa isla barta Kontoroolka Waaxda Socdaalka ee Degmadda Isoka ee dalka Zambia lagu qabtay 3 soomaali ah iyo Nin Kenyan asalkiisa Soomaali ah, waxaana lagu xukumay Ganaax Lacageed oo min 7,000 ee Lacagta Kwacha money ee laga isticmaalo dalkaasi.