Burcad hubeysan oo Koonfur Afrikaan ah ayaa xalay gudaha dalkaasi Koonfur Afrika ku dishay mid ka mid ah Ganacsatada ku nool dalkaas, sida ay sheegayaan wararka aan ka heleyno dalkaasi.
Muwaadinka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cartan Nuur Muude, waxaana dilkiisa uu xalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Strand ee duleedka Magaalada Cape Town.
Dilka kadib ayaa waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan Booliska Koonfur Afrika, kuwaasi oo baaritaanno sameeyay, ilaa iyo haddana lama shaacin cid loos oo qabtay dilkaasi.
Waa Muwaadin 5-aad ee Soomaali ah oo bishaan April lagu dilay Koonfur Afrika, waxaana dalkaasi ku soo badanaya dilalka loo geysto Ganacsatada Soomaaliyeed iyada oo aysan jirin cid ilaa iyo hadda ka hadashay dilalka loo geysto Soomaalida.