Boliska magaalladda Manchester waxay gacanta ku soo dhigeen Nin Somali oo lagu magacaabo Axmed Sheekh, kaasi oo lagu qabtay isagoo watay majin Qaad ah.
Saraakiisha Boliska waxay Eedeysanaha u kaxeeyeen guriga uu degganaa, halkaasi oo ay ka soo heleen Calaamado muujinayo inuu Qaadka si kontorobaan uga ganacsado, waxayna Boliska heleen 12 sanduuq oo 4 ka mid ah ay ku jireen Qaad culayskiisu dhamaa 23 Kiilogaram.
Eedeysanaha oo 28 jir ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ku nool magaalladda Manchester oo lagu soo oogo Dacwad la xiriirta Qaadka, iyadoo Qaadka loo adeegsaday Daroogadda Heerkeeda C.
Eedeysanaha oo la soo taagay Maxkamadda Manchester Crown Court waxa uu u sheegay Garsoore Martin Rudland inuusan ogeyn inuu Qaadka sharci-darro ka yahay Britain.
Garsooruhu waxa uu sheegay inuusan hadalkaasi ahayn mid la isku difaaci karo, wuxuuna Eedeysane Axmed Sheekh ku xukumay xabsi 12 bilood iyo inuu shaqeeyo 40-saacadood oo aan wax lacag ah lahayn.
Si kastaba ha ahaatee, Dalka Britain waxa laga mamuuncay Cunista iyo ka-ganacsiga Qaadka bishii june 24-dii ee sannadkii 2014-kii, inkastoo  la sheegay in weli si Kontorobaan ah looga ganacsado.
©Radio Dalsan