Maxamed Ali Omar oo 22 jir ah ayaa waxaa mar kale lagu soo oogay inuu si sharci-darro ah u haystay Bistoolad, isla markaana uu meel fagaare ah ku soo bandhigay.
Eedeysanaha oo saddex isbuuc ka hor laga sii daayey Xabsiga, kadib, markii la sheegay inuu Saraakiil ka tirsan Dembi-baarista ee FBI-da u hanjabay iyagoo doonayey xilligaasi inay su’aalo weydiiyaan Wiil la dhashay Eedeysanaha, oo lagu tuhunsanaa inuu ku biiri lahaa Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Iraq iyo Syria.
Dacwad-oogayaasha magaalladda Minneapolis ayaa waxay ku soo oogeen Maxamed Ali Omar inuu isku dayey inuu qariyo Bistooladda bishii October 15-dii ee sannadkii hore, xilli ay Boliska baaritaan ku samaynayeen warar sheegayo inuujiraan Koox amar-diid ah oo ku sugan magaalladda Minneapolis.
Boliska waxay baaritaankooda ku heleen Bistoolad nooceedu ahaa Glock 45 oo uu Maxamed Ali Omar sheegay inuu isagu leeyahay.
Garyaqaanka u doodayo Eedeysanaha oo lagu magacaabo Paul Applebaum ayaa xaqiijiyey inuu haysan jirey Bistoola, balse uu markii dambe iska tuuray.
Ku-xigeenka Xeer-ilaaliyaha magaalladda Minneapolis, Mary Ellen Heng oo Madax ka ah Waaxda Dembiyadda ayaa sheegtay inay boliska Minneapolis go’aansadeen inay ka war sugaan tan iyo inta ay dacwada Federalka ee ka dhanka ah Mohamed Ali Omar laga xalinayo.
Eedeysanaha oo haatan aan xirnayn ayaa lagu wadaa inuu Maxkamadda ka soo hor muuqdo bishan July 17-da.
Dhinaca kale, mid ka mid ah Walaalihiisa oo lagu magacaabo Guuleed Ali Omar ayaa ka mid ah Dhowr Somali Maraykan u xiran inay qalab ku taageeri lahaayeen Kooxda Daacish, waxayna sugayaan in lagu soo oogo dacwad.
Sidoo kale, Walaalkiisa, Ahmed Ali Omar ayaa ka ambabaxay Gobalka Minnesota sannadkii 2007-dii, waxaana uu ku biiray Dagaalamayaasha Alshabaab Somalia.
 Xigasho: Star Tribune