Heshiis ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhaliyay hadal hayn aad u weyn oo Soomaalida dhexdeeda ah, waxaana dhammaan umadda Soomaaliyeed layaab iyo amakaag ku noqday heshiiskaas Muuse Biixi uu Itoobiya ku siiyay Badda Saylac.
Heshiiska oo layaab ku noqday umadda Soomaaliyeed ayaa waxaa la filayaa in kulamadii ugu adkaa ay yeeshaan madaxda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo looga jawaabayo damaca Itoobiya, waxaana muuqata in Dowladda Itoobiya ay faragalin toos ah ku sameysay Qaranimada Soomaaliya.
Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan deg deg ah la isugu yeeray, sidoo kale waxaa iyagana Maanta la isugu yeeray Baarlamaanka oo uu madaxweynahu hortagayo, sababta keentay kulamadaas deg deg ah ayaana ah Faragalinta qaawan ee Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya.
Arrintaan ayaa timid kadib markii Itoobiya iyo Somaliland ay kala saxiixdeen heshiis is-afgarad ku saabsan iskaashiga dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo amniga, sidoo kalena Madaxweynaha Somaliland uu Itoobiya u saxiixay Badda Saylac.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Itooibya Abiy Axmed ayaa sheegay in is-afargaradku uu u gogol xaarayo in Itoobiya ay ka dhabayso riyadeedii ahayd inay marin u hesho Badda Cas.
War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Abiy Axmed ayaa lagu sheegay in is-afargadku sidoo kale uu u oggolaanayo Itoobiya iyo Somaliland inay xoojiyaan iskaashigooda amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.
Xafiiska Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland ayaa baahiyey codka madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasabadda saxiixa oo sheegay in dhinaca Somaliland ay aqoonsi ka helayaan Itoobiya.
“Waxaa inoo farxad ah oo aan uga mahadnaqayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo itoobiyaba sidii aan ku heshiinay ee ku qoran halkan, in annaguna aan u oggolaano 20KM oo bad ah, iyaguna markaaba ay na aqoonsadaan oo ay qaranka Somaliland dalwaddii ugu horraysay ee na aqoonsata noqon doonaan†ayuu yiri Muuse Biixi.
Tallaabadan ayaa imanaysa maalmo kadib markii dawladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland ay heshiis ku gaareen magaalada Jabuuti inay sii ambaqaadaan wadahadalkii u dhexeeyey.