Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee safarka shaqo ugu maqnaa dalka Ethiopia, ayaa dib ugu soo laabtay Somaliland.
Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo oo marti-qaad rasmi ah ka helay ra’isal wasaaraha Ethiopia, ayaa kasoo degay gegida diyaaraduhu ka haadaan ee Cigaal International Airport, waxana halkaas kusoo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka  Somaliland, xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha ciidamada, salaadiin, siyaasiyiin iyo xubno xukuumadda katirsan.
Muuse biixi iyo Wafdigiisa ayaa horay safar ugu amba-baxay dalka Itoobiya,halkaasi oo uu kulamo kala duwan kula soo qaatay mas’uuliyiin ka tirsan Itoobiya, waxaa Martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,