Musharixiinta madaxtinimadda Soomaaliya, ayaa shaki weyn ka muujiyay internet-la’aanta ka jirta magaalladda Mogadishu xili ay socoto qeybta hore  ee  dooda musharixiinta
Maxamed Cali America, oo ka mid ah musharixiinta madaxtinimadda Soomaaliya ayaa u Radio Dalsan  in ay u egtahay ku talagal internet-la’aanta ka jirta Magaalladda Mogadishu, waxaana uu hadalkiisa uu sii raaciyay in dan gaar ah laga leeyahay internet- la’aanta.
Musharax Ameeriko ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay aheyd ineey maanta dooda toos u daawadaan sida aduunyada ka dhacdo oo ay arkaan musharaxinta iyo sida ay uga hadlayaan qorshaha ay dalka ku hogaaminayaan
Radio Dalsan ma xaqiijin karto tuhunadda ay musharaxiinta  qaar kamid ah muujinayaan inkastoo hadal heynta ugu badan magaalada ay tahay maqnaashaha internetka.
Maanta oo ah Talaada ayaa waxaa lagu madlanaa in la guda galo dooda musharixiinta soomaaliya oo si toos ah looga daawan lahaa TV-gga dowladda Soomaaliya ha yeeshee waxey socotaa qeybta hore iyadoo duubis ah
Muqdisho iyo Soomaaliya guud ahaan ayaa inernetka ka qaata shirkada DELCOM oo hada ah shirkada kaliya ee internet bixisa.