Magaalladda Cadaado oo caasimadda u ah Maamulka Galmudug waxaa haatan si habsami leh uga socota Doorashadda xubnaha Maamulkaasi uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Kursiga Koowaad waxaa ku guuleystay Musharax Saciid Nuur Gariish, iyadoo Wasiiru-dowlaha Madaxtooyadda Dowladda Federalka, Mahad uu ku guuleystay Kursiga Labaad ee xubnaha Galmudug uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka.
Weli wey socotaa Doorashadda lagu xulanayo xubnaha Galmudug ee ka mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka Federalka ee la soo dooran doono.
©Radio Dalsan