Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta gobolka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta mid ka mid ah Musharixiinta Puntland loo diiday in uu taageerayashiisa kula hadlo Barxada Garoowe.
Wariyeyaal ku sugan Magalada Garoowe ayaa waxa a soo sheegayaan in Musharax Cabdisamad Gallan laga hor-istaagay in uu khudbad Barxada Garoowe ugu jeediyo taageerayaashiisa,iyada oo ay weli socdaan ol olaha musharixiinta.
In kastoo aan sidhab ah loo shaacin Amarka lagu joojiyay ayaa hadana Wararka aan heleyno ayaa wax ay sheegayaan in uu bixiyay Madaxweynaha Puntland Cabdudweli Maxamed Cali Gaas.
Musharaxa Madaxweynaha Puntland Cabdisamad Gallan iyo Madaxweyne Gaas ayaa tiro ka dhowr jeer waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan,waxana mar uu soo noqday Guddoomiyaha Gobolka Bari.