Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow Shiine  oo ka mid ahaa musharaxiintii ay diiwaangeliyeen guddiga qabanqaabada doorashada Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa shaaciyay in uu tanaasulay.
Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa u tartamayay xilka gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug waxaana uu ka mid ahaa 3-musharax oo oo xilkaas isku soo taagay,iyada oo haatan ay isku soo hareeen 2-musharax oo u tartamaysa gudoomiyaha baarlamaanka .
Isga oo hadlayay ayuu tilmamaay in uu isku soo taagay xilkaas hase’aatee uu go’aansaday in uu haatan ka tanaasulo iyo in uusan sii dheereeyn wareegga doiorashada sida uu hadalka u dhigay.