Fadumo Qaasim Dayib oo Somali haysata Dhalashadda Finnish ee dalka Finland waxay hadalkaasi ku sheegtay Wareysi maanta lagu soo daabacay Wargeyska The Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka.
Musharaxadda oo Wargeyskaasi kula hadashay Via Skype iyadoo ku sugan magaalladda Nairobi waxay tilmaamtay inay Go’aankaasi qaadatay isbuucan, kadib, markii ay Guddiga Doorashadda Federalka markii 3-aad ku dhawaaqeen inay dib u dhacday Doorashadda Madaxweynenimadda oo la filayey inay qabsoonto shalay oo ay Taariikhdu ahayd November 30-da.
Waxay sheegtay inaysan mar kale u tartami doonin Xilka Madaxweynaha, waxayna Nidaamka Awood-qeybsiga 4.5 ku tilmaamtay sidii Nidaamka Midbtakoorka oo kale (Apartheid system).
“Waxaan u malaynaa inaan u tartami doonin, uma ordayo waayo waxaan ka argagaxaa Heerka uu gaarsiisan yahay Musuqa. Dhamaan wa wax niyad-jab ah, mana doonayo inaan Sharciyeeyo wax xun in loo tartamo†ayey tiri Fadumo Qaasim Dayib oo inta badan jecel inay la hadasho Warbaahinta Caalamka, gaar ahaan kuwa Reer Galbeedka.
Fadumo Qaasim Dayib oo ah Haweeneyda keliya ee ka mid ahayd 18-ka Musharax ee u tagaan Madaxtinimadda Somalia waxay dib-u-dhaca Doorashadda Madaxtinimadda ku eedeysay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyadoo sheegtay inuu mashquul ku noqday sidii uu Dhaqaalaha Dowladda ugu maalgelin lahaa  Ololihiisa Doorashadda.
“Si sharci-darro ah ayuu Xafiiska ku jooga waana inuu ka tagaa, waayo Xilligiisa waxa uu ka dhamaaday bishii September 10-dii ee la soo dhaafay†ayey tiri Fadumo Qaasim Dayib.
Waxay kaloo eedeyn kula dul-dhacday Guddoomiyaha Guddiga Madaxa Banana nee Doorashadda Dadban, Avvocate Omar Mohamed Abdulle oo ay sheegtay inuu yahay Saaxiibka Madaxweyne u xil-saaray inuu hago Hannaanka Doorashadda iyo in la guda-galo Nidaamka, waa sida ay hadalka u tiri.
Sidoo kale, waxay hadalo adag u adeegsatay Doorka Beesha Calaamka ku leeyihiin dadaalka Hawlaha Doorashadda Somalia.
“Waxaan rumeysanahay inay Beesha Caalamka ahayn sharci, waxay doonayaan inay Sharci ka dhigaan waxaan Sharci ahayn, taasina waa wax aan Dastuur ahayn†ayey ku sheegtay Wareysiga ay siisay Wargeyska The Washington Post.
Waxay intaasi ku dartay inay Beesha Caalamka ku dhaqmayaan Heerka Labaalaha (The double standards), waayo hal gacan waxay ku baaqaan Doorasho Xor oo Hufan iyo inay Somaliia noqoto Dimuqraadi, halka gacanta kale ku mashquulsan yihiin inay maalgeliyaan Nidaam Qadiimi ah oo aan la jaanqaadi Karin Qarnigan 21-aad.
Fadaumo Qaasim Dayib waxay kaloo Wareysigeeda ku xustay ina Lacagta Canshuurta ee Maraykanka in si mas’uuliyad-darro loogu isticmaalo gudaha Somalia, waa sida ay hadalka u tiri.
“Lacagaha Canshuuraha Maraykanka waxaa loo isticmaalayaa si aan mas’uuliyad lahayn gudaha Somalia. Waa taas sababta aan u dhahayo. Haddii ay tani tahay nooca Kaalmada Deeq-bixiyayaasha ee Reer Galbeedka doonayaan inay siiyaan Somalia†ayey tiri waxayna sii raacisay in ay jirin Hay’ad lagu maalgelin doono.
Wareysiga ay Fadumo Qaasim Dayib siisay Wargeyska The Washington Post waxay kaloo ku sheegatay in maalin kasta loo soo diro Fariimo loogu hanjabaayo, inkastoo aysan soo bandhigin wax raad-raacyo u ah arrinkaasi, mana kala cadda inay ka leedahay Ujeedo Siyaasadeed iyo Beerlaxawsi kale.
Haweeneydaasi oo 44-jir ah waxay Somalia ka qaxday muddo haatan laga joogo 26-sanno, 14-jirkeedii ayey baratay sida wax loo qoro,waxayna Shahaadada Master’s degree ka qaadatay Jaamacadda Harvard.
Waxayna la soo shaqeysay QM iyo Hay’adda UNICEF.
Xigasho: The Washington Post
Â