Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa tirro hoobiyeyaal ah oo Maanta kusoo dhacay qeybo kamid ah degmooyinka Shibis iyo Boondheere ee magaalada Muqdisho.
Laba kanid ah hoobiyeyaasha lasoo tuuray ayaa ku dhacay guri ku yaalla degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, waxaana ka dhashay khasaaro nafeed oo gaaray dad ku sugnaa guriga oo ay taalay Tacsi.
Ugu yaraan 8 Ruux oo ku sugnaa guriga ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday madaafiicda, sida Idaacadda Dalsan u sheegeen dad goobjoogayaal ah.
Dadka dhaawacmay ayaa waxaa durbadii loola cararay Isbitaal, si xaaladdooda caafimaad lagu dabiibo. Guriga ay labada hoobiye ku dhaceen ayaa waxaa ku sugnaa dad farabadan oo ka qeyb galayay Tacsi loo dhigayay qof hore u dhintay.
Amniga magaalada Muqdisho ayaa u muuqda mid faraha kasii baxaya, waxaana 72-saac ee lasoo dhaafay ka dhacaayay dilal loo geystay dad shacab ah, waxaana dadka ugu badan ku dhinteen iska horimaadkii ka dhacay Isgoyska Siinaay.