Muqdisho – Faahfaahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar hoobiyeyaal ah oo saaka waaberigii lala beegsaday xayndaabka garoonka caalamiga ah ee diyaaradaha Aden Adde ee magaalada Muqdisho, iyadoo ay jirto cabsi laga qabo khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.
Ilo-wareedyo amni iyo dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ugu yaraan lix madfac oo hoobiye ah ay kusoo dhaceen gudaha xayndaabka garoonka, gaar ahaan dhanka koonfur bari ee garoonka oo ku dhow xeebta Badweynta Hindiya. Goobtaas ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka badan caasimadda, maadaama xarumo muhiim ah iyo saldhigyo ajaanib ah ay ku yaallaan.
Wararka hordhaca ah ayaa tilmaamaya in qaar ka mid ah hoobiyaashaasi ay sababeen waxyeello hantiyeed iyo dhaawacyo, inkastoo aan weli si rasmi ah loo caddeyn khasaaraha dhabta ah. Laamaha ammaanka ayaa xilligan baaritaanno ka wada aagga la bartilmaameedsaday, waxaana la adkeeyay ilaaladii garoonka iyo goobaha ku dhow dhow.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo weli la dareemayo raadadkii hoobiyeyaal kale oo shalay lagu garaacay nawaaxiga Madaxtooyada Qaranka – Villa Somalia, kuwaas oo sababay dhaawaca ugu yaraan 10 qof oo shacab ah. Weerarada noocan ah ayaa kusoo kordhaya Muqdisho maalmihii u dambeeyay, taas oo walaac hor leh ku abuurtay shacabka iyo daneeyayaasha amniga.
Illaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay mas’uuliyadda weerarka saaka ka dhacay agagaarka garoonka, hase ahaatee, weerarada hoobiyeyaasha ah ayaa inta badan waxaa fuliya kooxaha ka soo horjeeda dowladda Soomaaliya.
Ciidamada ammaanka ayaa la filayaa inay goor dhow war rasmi ah ka soo saaraan dhacdadan, iyadoo shacabka loogu baaqay inay ka fogaadaan meelaha ay wax ka dhaceen ilaa xaaladdu ay degto.
Wixii warar ah ee kusoo kordha dhacdadan, waxaad kala socon doontaan wararkeena xiga.