Waxaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar lagu qabtay Munaasabad balaaran oo lagu shaacinaayay Degmooyinka cusub oo sedex ah, kuwaasi oo horey u ahaa Deegaano.
Degmada Garasbaaley, Degmada Gubadley iyo Degmada Daarusalaam ayaa xalay si rasmi ah loogu aqoonsaday degmooyin ka tirsan Gobalka, waxaana Degmooyinkaan oo buuxiyay shuruudihii Degmonimo xeer kusoo saaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Munaasabadda ku dhawaaqista Degmooyinkan cusub ee sedexda ah waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Mudane Cali Xoosh, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS Mudane Axmed Macalin Fiqi, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Guuto Sulub Axmed Firin, Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS, Siyaasiyiin, Odayaal dhaqan Guddoomiyeyal Degmo, Agaasimeyaal iyo marti sharaf kale.