Munaasabad heer sare ah oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, taas oo ay soo qabanqaabiyeen odayaasha dhaqanka, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada, ayaa afur sharafeed loogu sameeyay Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi.
Munaasabaddan oo ka dhacday mid ka mid ah xarumaha martiqaadka ee caasimadda, ayaa lagu muujiyey taageerada ay bulshada Soomaaliyeed u hayso hoggaanka boliiska, gaar ahaan taliyaha, oo dadaal badan ku bixiyey sugidda amniga iyo xoojinta xiriirka ka dhaxeeya ciidanka iyo shacabka.
Intii uu socday kulanka, waxaa madasha ka hadlay odayaal dhaqan, ganacsato iyo aqoonyahanno, kuwaas oo si weyn u ammaanay hoggaanka Taliyaha Boliiska, iyagoo xusay horumarka laga sameeyay nabadgelyada iyo dadaallada lagu xasilinayo magaalada.
Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay kulanka, ayaa uga mahadceliyay bulshada sida ay ugu garab taagan yihiin ciidanka boliiska, isagoo ballanqaaday in uu sii wadi doono dedaallada lagu xaqiijinayo amniga, xoojinta wada shaqeynta laamaha kala duwan ee amniga iyo dhismaha xiriir dhow oo dhexmara boliiska iyo shacabka.
Kulankan ayaa kusoo dhammaaday jawi is-afgarad iyo wada-tashi ah, iyadoo la isla qaatay muhiimada ay leedahay in la xoojiyo nabadda, lagana wada shaqeeyo sugidda amniga guud ee dalka.