Afhayeenka Boliska Qubrus, Andreas Angelides ayaa xaqiijiyey inay socdaan Baaritaan lagu ogaanayo Shabakad dadka Soomaalida ee tahriib ku soo geliya Jesiiradda Qubrus.
Afhayeenka waxa uu tilmaamay inay xalay qabteen 4 qof oo Soomaali ah oo la socotay Gaari uu Dareewal ka ahaa Nin Falastiin oo Magangelyo Siyaasadeed horey looga siiyey Jesiiradda Qubrus.
Afhayeenka waxa kale oo uu tilmaamay in gaarigaasi oo ka yimid dhinaca ay Qowmiyadda Turkiga ka maamulaan Jesiiradda Qubrus lagu qabtay xilli ay ka soo gudbayeen Kontoroolka Akaki ee kala qeybiya Jesiiradda Qubrus.
Tahriibayaasha Soomaalida ee la qabtay waxaa ka mid ah Nin 25 jir, iyo saddex haween oo ay da’dooda kala tahay 19 jir, 16-jir iyo 17 jir iyo ah, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay asal ahaan ka so obaxeen Somalia, soo mareen Turkiga, kadibna Qubrus.
Dhinaca kale, Warbaahinta Qubrus waxay sheegeen in ka badan 100 qof oo Soomaali ah ay labadii isbuuc ugu dambeysay ka soo gudbeen Waqooyiga Jesiiradda Qubrus, kuwaasi oo asal ahaan ka soo duulay dalka Turkiga.
©Radio Dalsan