Ciidanka Ilaalada xeebaha ee Talyaaniga ayaa waxay maanta oo Axad ah soo heleen maydadka 30 Muhaajiriin la socday dooni ku degtay xeebta magaaladda Crotone ee Gobalka Calabria ee Koonfurta ee dalkaasi, xilli ay doonida cillad ku timid.
Wakaallada Wararka Talyaaniga ee ANSA waxay baahisay in la rumeysan yahay in ugu yaraan 30 qof ku hafteen doonida degtay waaberigii hore ee maanta oo Axad ah.
Warbaahinta Dowladda Talyaaniga ee RAI ayaa soo tebisay inay doonida oo ay la socdeen in ka badan 100 Muhaajiriin ay waaberigii hore ee Maanta ku degtay Badda Ionian Sea.
Afhayeen u hadlay Booliska Dab-damiska Talyaaniga, Luca Cari ayaa sheegay inay barqanimadii maanta soo badbaadiyeen 40 la mid Muhaajiriinta ay doonida la degtay.
Afhayeenka oo qeyb ka ah dadaalka Gurmadka ee lagu raadinayo dadkii ka samata-baxay iyo kuwii ku dhintay Shilkaasi ayaa sheegay inay jiraan Tiro maydad ah oo la helay, balse uusan caddayn karin tiradooda.
Maraakiib Gurmad oo ka kala socday Ciiddanka Ilaalada Xeebaha, Booliska xuduudaha iyo dab-damiska dalkaasi ayaa ku hawlan dadaalka Badbaadinta iyo Baadi-goobka Muhaajiriinta ay la degtay Doonida.