Tahriibayaal tiradoodu dhasn tahay 143 qof oo u kala dhashay Somalia, Masar, Ethiopia, Eritrea, Suan, Syria, Yemen iyo Falastiin ayaa lagu qabtay Xeebaha dalka Masar, xilli ay doonidii watay ku sii jeeday Xeebaha dalka Talyaaniga.
Afhayeenka Ciiddamadda dalka Masar, Kolonel Maxamed Samiir ayaa sheegay inay Tahriibayaashaasi lagu qabtay, xilli ay doonidooda maraysay Badda Mediterranean-ka.
Tahriibayaashaasi oo la socday labo dooni oo nooca Kallumeysiga ayaa la sheegay in la qabtay wax ka yar kadib, markii ay ka shiraacdeen Xeebta magaalladda dooni ka raaceen Xeebta magaalladda Aleskandariya,
Dhinaca kale, Ciiddanka Badda ee dalka Masar waxay kaloo qabteen dooni 3aad oo ay la socdeen 179 Tahriibayaal Afrikaan ah oo ka soo kala jeeda dalalka Eritrea, Gaana, Gini iyo Komoroos.
Tahriibayaasha lagu qabtay Xeebaha Masar ayaa la sheegay in loo fidiyey Gurmad Caafimaad, ka hor inta aan loo gudbinin Xabsiga Dhexe ee magaalladda Aleskandariya.