Waxaa Maanta magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland kulan gaar ah ku yeeshay xubnaha mucaaradka ku ah Madaxweynaha Puntland, iyagooan soo saaray War-saxaafadeed dhowr qodob ka kooban oo ku aadan xaaladda doorashada Puntland.
Mucaaradka Puntland ayaa nasiib darro ku tilmaamay xigashada Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ee dastuurka sida sharci darrada ahaa loo bedelay oo ay sheegeen in ujeedadu aheyd muddo kororsi oo uu doonayo Madaxweyne Deni.
Xubnaha ayaa Warka ay soo saareen waxa ay ku caddeeyeen in aysana aqoonsaneynin ku dhaqanka dastuurka la bedelay ee Puntland iyo dhismihii PEC, oo ay xuseen in loo maray sifo aan waafaqsaneyn dastuurka.
Sidoo kale Mucaaradka ayaa sheegay inay bulshada Puntland u caddeynayaan in Madaxweyne Deni u dhaqmayo si baalmarsan masรขโฌโขuuliyiin loo idmaday, isla markaana uu qaadayo wax kasta oo cawaaqib xumo ah oo ka dhasha goรขโฌโขaamada uu qaadanayo ee aan sharciga ku dhisneyn.
Warka ay soo saareen xubnaha mucaaradka ayaa kusoo aaday, iyadoo xalay Madaxweyne Saciid Deni uu ku dhawaaqay in Puntland ay u jaheysatay doorasho qof iyo Cod ah, ayna Puntland ka dhaceyso nidaam doorasho oo taasi ah, wuxuuna xubnaha kasoo horjeeda ugu baaqay inay doorasho u diyaar garooban.
Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.