Nin Uganda oo ku caan baxay Ku-xarakaynta wadista mootooyinka labada shag leh ayaa soo bandhigay qaab ay dadka ula cajibaan marka uu Bandhigaasi ku samaynayo Waddooyinka.
Dalka Uganda oo mootooyinkaasi looga yaqaano Boda Boda ayaa ah gaadiidka ay inta badan dadku gaadiid ahaan u raacaan.
Weriye ka tirsan Wargeyska maalinlaha ee The New Vision ee ka soo baxa magaalladda Kampala oo lagu magacaabo  Donald Kiirya ayaa dhawaan soo qaaday Bandhig mooto-wadista oo ka dhacday Waddada weyn ee isku xirta Jinja iyo Bugiri.
Mooto-wadayaasha ayaa waxay ka soo qeyb galeen Tartanka Wadista Mootooyinka ee The Kyabazinga Cycling Race.
Muuqaalladda hoose ayaad ka arkaysa qaababka kala duwan ee Mootootinka loo kaxeeyo.
Iska jir wadista mootooyinka waa khatar, waxayna maahmaah Talyaani ka digtay inay mootaddu tahay dhimasho (Motta e morta).
Waxaa Turjumay Ustaad Nuradin Abokor Ahmed