Ciiddanka Difaaca Cirka ee dalkaasi waxay maaanta burburiyeen Gantaal ay Xuutiyiinta ku soo duqeeyeen magaalladda Yunbac oo ku taalla Galbeedka Sacuudiga.
Dhinaca kale, Afhayeenka Isbahaysiga Sacuudiga ee dagaalka Yemen, Kolonel Turki Al-maaliki ayaa sheegay inay Dowladda Iiraan bilowday inay hubeyso Maleeshiyadad Xuutiyiinta, isla markaana ay Gantaallo soo gaarsiiyaan.
Waxa uu xusay inay Ciiddanka Isbahaysiga ku guuleysteen inay burburiyaan inta badan Awoodaha Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee Gantaalladda Balaastikadda, isla markaana ay beegsadeen Gantaal-xambaarayaasha yaalla magaalladda Saada ee W/bari ee dalka Yemen.