Ciiddanka waxay xalay dagaal mir ah la galeen Maleeshiyadii joogtay Deegaanka Shiikh Saciid ee Bariga Aleppo, iyadoo ay Diyaaradaha Dagaalka sii wadaan duqeynta ay ku hayaan goobaha ay weli ku harsan yihiin Kooxaha hubeysan.
Ilo ku dhowdhow Ciiddanka Xorreynta Syria ee Free Syrian Army ayaa u xaqiijiyey Telefishinka Aljazeera in lagala wareegay Deegaanka Sheekh Saciid oo ku yaalla dhinaca Bari ee Aleppo.
Waa Deegaankii Labaad ee ay Askarta Dowladda Syria la wareegaan muddo dhowr maalmood gudaheeda, iyagoo horey u qabsaday Deegaanka Al-madi.
Maleeshiyadda ayaa la sheegay inay haatan 10 KM oo isku wareeg ah ka haystaan Aleppo, halkaasi oo ay Kumanaan qof oo rayid iyo Dagaalyahano ah ku go’doonsan yihiin.
Dhinaca kale, Kooxda Kormeerka Xuquuqda Aadanaha ee Syria ayaa sheegtay inay Kooxaha mucaaradka lumiyeen 90% baaxadda magaalladda Aleppo, oo ay mar wada maamuli jireen.
©Radio Dalsan