Taliska Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) ayaa shaaca ka qaaday in howlgal militari oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, oo ay ku jiraan xubno sare oo ka mid ahaa hoggaanka kooxda.
Sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Xoogga Dalka, howlgalka ayaa ka dhacay deegaano ay dagaalamayaashu kaga sugnaayeen gobolka, halkaas oo ciidamada qaranku ay la beegsadeen weerarro qorsheysan.
“Waa guul muhiim ah oo ka dhan ah cadowga. Waxaan beegsannay goobaha ay isku aruursanayeen, waxaana halkaasi ku dilnay xubno sare oo Al-Shabaab ah,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Magacyada xubnaha sare ee la dilay iyo xilalka ay ka hayeen kooxda ayaa lagu xusay warsaxaafadeedka, inkasta oo faahfaahin dheeraad ah aan la bixin.
Ciidamada dowladda ayaa muddooyinkii dambe xoojiyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyagoo fulinaya howlgallo ay taageerayaan saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga.