Boliska dalka Bangaladesh waxay maanta Xabsiga dhigeen 8 qof oo uu ka mid ahaa Milkiilihii lahaa Wershad ay Khamiistii la soo dhaafay ku geeriyoodeen ugu yaraan 52 shaqaale ah.
Sarkaal u hadlay Boliska ayaa sheegay in Milkiilaha lagu soo oogi doono Eedeymo la xiriirta dabka ka kacay Wershadooda ee sababay dhimashada ugu yaraan 52 shaqaale oo badankooda ku xanibmay Albaab dhexda ku yaallay oo xirnaa.
Dabku waxa uu Habeenkii Khamiista ee la soo dhaafay ka kacay Dhismaha Wershadda Cuntada Farsamaysa ee Hashim Foods Limited oo ku taalla Deegaanka Rubganj oo 15 KM dhanka Bari kaga toosan caasimadda dalkaasi ee Dhaka.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Bangaladesh, Asaduzman Khaan oo maanta booqday Wershadda lagu le’day waxa uu tilmaamay in dadka la xiray uu ka mid yahay Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Maareynta ee Kooxda Sajeeb oo iyagu leh Wershadaasi.