Milatariga Suudaan ayaa digniin culus oo kama dambeys ah u diray dowladda Chad, xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda colaadeed ee u dhaxeysa Suudaan iyo kooxda fallaagada ah ee Rapid Support Forces (RSF).
Kaaliyaha Taliyaha Guud ee Ciidanka Milatariga Suudaan, Jen. Yasser Al-Atta, ayaa si cad u sheegay in ay bartilmaameed sharci ah u aqoonsan doonaan garoommada diyaaradaha ee Chad, gaar ahaan kuwa lagu eedeeyay in ay taageero saadka iyo hubka siiyaan RSF. Wuxuu sheegay in garoommadaasi ay yihiin marin muhiim u ah sahayda dagaalka ee RSF, isla markaana ay u adeegaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones) ee taageeraya kooxdaasi.
“Ciidanka Suudaan kama aamusi doono faragelinta tooska ah ee ka imaaneysa Chad, waxaanan diyaar u nahay in aan tallaabo adag ka qaadno garoommada diyaaradaha ee sida tooska ah ugu adeegaya cadowga,” ayuu yiri Jen. Al-Atta.
Digniintaani waxay daba socotaa eedeymo ay dowladda Suudaan horey ugu jeedisay Chad, kuwaas oo ku saabsan in dalkaasi uu si dadban ugu lug leeyahay dagaalka ka socda gudaha Suudaan. Suudaan waxay Chad ku eedeysay in ay si xad dhaaf ah u taageereyso RSF, taasoo qayb ka ah xiisadda ka dhalatay dagaalka u dhaxeeya milatariga Suudaan iyo RSF tan iyo bishii Abriil 2023.
Xaaladda gobolka ayaa noqotay mid aad u kacsan, iyadoo la filayo in khilaafka u dhaxeeya labada dal uu sababi karo dagaal hor leh oo ka qarxa xuduudda Suudaan iyo Chad.
Wararka ka imanaya xadka labada dal ayaa sheegaya dhaqdhaqaaqyo ciidan oo xooggan, iyadoo la arkayo ciidamo hor leh oo lagu daad gureynayo deegaannada xuduudda. Dadka deegaanka xuduudda ayaa walaac ka muujiyay in dagaalku uu kusoo fido dhulka Chad, taasoo ka dhigan in gobolka uu gelayo xaalad dagaal oo cusub.
Dowladda Chad wali si rasmi ah ugama jawaabin hanjabaadda milatariga Suudaan, hase yeeshee ilo diblumaasiyadeed ayaa sheegay in N’Djamena ay si dhow ula socoto xaaladda isla markaana ay raadineyso xal diblumaasiyadeed oo looga baaqsan karo dagaal toos ah.