Shir madaxeedka midowga Afrika ayaa lagu soo gabagabeyey magaalada Addis Ababa, waxaana gunaanadkiisii ka soo baxay warmurtiyeed arrimihii looga hadlay uu ka mid ahaa khilaafka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Midowga Afrika ayaa sida lagu sheegaywarmurtiyeedka “Walaac ka muujiyey xiisadda u dhaxaysa Jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya iyo jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya, ka dib saxiixii heshiiskii isfaham ee dhex maray Itoobiya iyo gobolka waqooyi ee Soomaaliya (Somaliland) 1 Janaayo 2024â€.
Waxaa kalo lagu qoray war murtiyeedka “Goluhu wuxu dib u xaqiijinayaa sida adag ee ay uga go’an tahay iyo taaheerada uu u hayo dhowridda midnimada, sharafka dhuleed, madax banaanida iyo gobanimada dhamaanba dalalka xubnaha ka ah, oo ay ku jiraan kuwa jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya iyo jamhuuriyadda dimoqaraadiga federaalka Itoobiya.
Midowga Afrika wuxuu “ugu baaqayaa labada dal inay qaboojiyaan xiisadda, ayna yeeshaan wadahadal macno leh oo ku wajahan sidi xal nabadeed loogu helilahaa arrintaâ€.
Shalay ayey aheyd markii dowladda Itoobiya ay isku dayday inay is hor-istaag ku sameeyso Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galayay Shirka Midowga Afrika, dowladda Soomaaliya ayaana si kulul u cambaareysay falkaasi.