Ururka Midowga Afrika ayaa carabka ku adkeeyay in aysan u dulqaadan doonin tallaabooyinka kasoo horjeedo dimuqraadiyadda ee awoodda lagu qabsanayo ee ka dhaca qaaradda.
Maalintii ugu dambeysay ee shir madaxeedka Addis Ababa, Midowga Afrika wuxuu sheegay inay sii wadi doonaan xayiraadda ay kusoo rogeen Burkina Faso, Guinea, Mali iyo Suudaan – kuwaas oo dhamaantood ay xukumaan hogaamiyayaal militari oo xukunka kula wareegay afgembi.
Guddoomiyaha arrimaha siyaasadda AU, Bankole Adeoye,ayaa sheegay in Midowga Afrika uu dalalka ka caawin dooni sidii loo soo celin lahaa kala dambeyntii dhinaca dastuuriga aheyd iyo dimuqraadiyadda.
Madaxdii ku sugneyd shirka waxay sidoo kale isku afgarteen qorsheyaal lagu dhaqangelinayo ganacsi xor ah si loo gaarsiiyo dal kasta oo ku yaalla Afrika.