Gudoomiyaha Midowga Afrika Musa Faki Maxamed ayaa diiday tallaabadii Ra’iisl Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen uu dalka uga eryey Ergayga Midowga Africa ee Soomaaliya Ambasador Fransicso Madeira.
Qoraal uu soo saaray Guddoomiye Musa Faki ayaa waxaa lagu sheegay in Midowga Afrika ka walaacsan yahay Warqadii kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.
Dhinaca kale, waxay sheegeen inay kalsooni galisay warqadii Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo soo saaray 7-dii April, oo lagu cadeeyey in uu ka xunnyahay warqada tallaabada Rooble qaaday.
Guddoomiye Musa Faki ayaa waxaa uu intaas kusii daray inay dib u xaqiijinayaan kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, isagoo u mahadceliyay Midowga Afrika.
รขโฌลGuddoomiyaha Midowga Africa, wuxuu dib u xaqiijinayaa kalsoonida buuxda iyo aaminaada uu ku qabo Ergayga gaarka ah ee Midowga Africa Soomaaliya Ambassador Madeira, wuxuuna ku celinayaa sida ay Midowga Afrika uga goรขโฌโขan tahay sii wadista dadaalka ay ku taageerayaan Qaranka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si ay dalkas u gaaroรย soo celinta nabad waarta, amni iyo xasillooni wartaรขโฌย ayaa lagu gabagabeeyey qoraalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dalka ceyriyey Fransicso Madeira oo lagu eedeeyay inuu ku kacay arrimo ka baxsan shaqadiisa, isla markaana waxaa loo qabtay inuu 48 saac gudahood uga baxo dalka, balse Madaxweyne Farmaajo ayaa ka horyimid tallaabadaas.