Meydka Wiil iyo Gabar dhalin yara ah ayaa laga helay meel u dhaw Godka Jilicow gaar ahaan Xaafad ku taala dhabarka danbe ee Hotelka Xaawa Taako ee Dagmada Boondheere ee Gobolkaan Banaadir.
Meydka labadan qof oo la la’aa saddexdii maalin ee lasoo dhaaay, una ku dhex jiray Baabur nuuca aan Xabadu karin ayaa lagu soo baraarugay markii Urta kasoo baxeysa goobta ay dareemeen dadka Xaafada.
Labada marxuum ayaa lagu kala magacaabi jiray Abuukar Yuusuf Ibraahim iyo Xamdi Cabdulqaadir Cabdulle, sida ay xaqiijiyeen ehelladooda oo la hadlay warbaahinta.
Sidoo kale Abuukar Yuusuf ayaa ahaa darawalka Maxamed Zubeer oo ahaa xoghayihii joogtada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha, mana cadda sababta keentay geerida labada qof.
Aabe Cabdulqaadir Cabdulle oo dhalay marxuumadda ayaa sheegay inuu saddex cisho kahor waayay gabadhiisa, haddana loo soo sheegay maydkeeda, wuxuuna tilmaamay in ninka ay isla geeriyoodeen uu ahaa saygeedii hore oo ay kala tageen laba sano kahor.
Lama oga sababta dhabta ah ee geerida labadan qof, waxaana goobta tegay ciidamada denbi baarista Booliska oo kiiska la wareegay.