Meydadka qaar ka mid ah Israa’iiliyiintii ay Xamaas ku qabsadeen weerarkooda toddobaad ka hor ayay ciidamada Israa’iil soo heleen intii lagu guda jiray duullaan dhinaca dhulka ah oo Jimcihii lagu qaaday Gaza, sida ay ku warramayaan wargeysyada Israa’iil.
Haaretz iyo Jerusalem Post ayaa sheegay in ciidamada difaaca Israa’iil ay heleen meydad aan tiradooda la cayimin, kuwaas oo dib loogu soo celiyay dhulka Israa’iil, waxaana la helay qaar ka mid ah alaabo ay leeyihiin dad la la’yahay.
Dhanka kale war cusub oo hadda soo dhacay ayaa lagu sheegay in tirada dadka ee ay Xamaas haystaan ay tahay 120 qof.
Dhinaca kale Wasaaradda Caafimaadka ee Falastiin ayaa soo bandhigtay Tiro-koobkii u dambeeyey ee dadkii ku shahiiday Duqeymahaasi.
Ilaa haatan, 1,900 qof ayaa ku shahiiday oo 614 carruur ahaayeen, halka 370 Haween ahaayeen. Tirada Guud ee dadka Falastiiniyiinta ee ku dhaawacmay Duqeymaha Israel waxay gaareen 8,000 oo qof.