Mohamed Abdullaahi Farmaajo oo xilka Ra’isul-wasaarenimadda Dowladdii KMG ee Somalia hayey sannadihii 2010-kii ilaa 2011-kii  ayaa hadalkaasi ka sheegay mar uu shalay la kulmay Jaalliyadda Soomaalida ee ku nool magaalladda Saint Cloud ee Gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka.
Farmaajo oo haatan ah Musharax u taagan xilka doorashadda Madaxweynimada Somalia ee dhici doonta bisha September ee sannadka soo socda ayaa tilmaamay markii uu Ra’isul-wasaaraha ahaa inuu muhiimadda ugu weyn siin jirey sidii ay Ciiddanka Qaranka iyo Shaqaalaha Dowladda mar kasta  u heli lahaayeen mushaar joogto ah.
“Waa wax naadir ah oo aysan weligooda arkin†ayuu yiri Farmaajo†ayuu yiri Farmaajo oo ay aad ugu abaal sheegteen Saraakiisha iyo Ciiddanka Dowladda Federalka, oo iyagu aan haatan wax mushaar ah helin dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.
Siyaasi Farmaasjo, waxa uu ugu baaqay Soomaalida ku nool dalka Maraykanka inay u midoobaan dib-u-dhiska dalka hooyo, isla markaana ay fahmaan Dhaqanka Somalia.
Waxa kaloo uu ka hadlay qoddobo ku xiriirsan doorka ay Soomaalida qaxooti ahaanta u tegay dalka Maraykanak ku yeelan karaan Bulshadda Maraykanka.
Waxa uu hoosa ka xariiqay inay Qurbo-joogta Soomaalida qeyb ka qaataan Dib-u-dhiska dalka hooyo iyo inay ka fekeraan qaabka lagu heli karo Dowlad Soomaaliyeed oo guuleysata.
Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG ee Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo waxa uu dalka Maraykanka tegay sannadkii 1985-kii, xilligaasi oo uu ahaa Diplomaasi 23-jir ah.