Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad waxa uu Amiirka dalka Kuweyt, Sheekh Sabaax Al-axmed Al-jaabir Al-sabaax gaarsiiyey Dhambaal Qoraal oo uu Madaxweynaha DFS, Maxamed C/llaahi Farmaajo u diray Amiirka dalkaai.
Amiirka Kuweyt waxa uu Qasrigiisa ku qaabilay wafdiga uu hoggaaminayey Wasiir Cawad, iyagoo ka wada hadleen Xiriirka Walaaltinimo ee Labada Waddan iyo Xaalladaha ka taagan Khaliijka iyo Geeska Afrika.
Wakaalladda Wararka Kuweyt ee KUNA waxay kaloo sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibedda Kuweyt, ahna Ku-simaha Ra’isul-wasaaraha dalkaasi, Sheekh Sabaax Khaalid Al-xamad Al-sabaax Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xiriirka Caalamiga ee DFS, Axmed Ciise Cawad oo maalmahan booqasho ku joogay dalkaasi.
Wakaalladda waxay sheegtay inay Labada Mas’uul ka wada hadleen xoojinta Xiriirka Labada Waddan, Mashaariicda Kuweyt ku horumarinayso Adeegyadda Somalia, Xaalladaha ka jira Geeska Afrika, Qaddiyadaha Caalamiga iyo Danaha ay Somalia iyo Kuweyt ku mideysan yihiin.
Wasiir Cawad waxa kale oo kulamo la yeeshay Wasiirka Tacliinta iyo Guddoomiyaha Bangiga Horumarinta Kuweyt, oo ay isla eegeen Xoojinta Taageeradda ay Kuweyt u fidiyaan Hay’addaha ka tirsan kuwa DFS.