Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa Salaadda Janaasada kula tukaday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.
Guddoomiyaha Marxuumka Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyey qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.
Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab, waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Dalka, Safiirka Dowladda Turkiga iyo masuuliyiinbkale.